Search
Close this search box.

4 Hab oo dhaqaale lagaga samayn karo internet ka 2024

Hordhac:

Technology_yadu maanta waa shayga keliyah ee ugu horeeya dhanka horumarka caalamka, taas oo dunidu maanta ku tartamayso dhaqaalaha laga sameeyey  iyo ganacsiyada ku hoos abuuran dhanka internetka. Waxaa kale oo Iyana markasta soo korodha shaqooyinka online ka oo aad shirkado la shaqayn kartid adoo gurigaaga jooga ama goobtaada shaqo jooga, adoo adeegsanaya computerkaaga iyo internet kaaga. Hadaba waxaa jira qaabab badan oo internet ka dhaqaale looga tabcan karo ama loogaga samayn karo, waxaynu maqaalkan ku  ogaan doonaa 4 hab oo kamida hababka maanta soomaali badani  oo dhalinyar u badani kaga abuuraan dhaqaale dhanka internetka iyaga oo isticmaalaaya oo keliyah internet kooda iyo computerkooda.  

You tube:

youtube ka dhaqaale ka samee
youtube ka lacag ka samee

Xirfada samaynta channel youtube  waa habka koowaad ee maanta dhalinyar badan oo soomaaliyeed kaga abuuraan dhaqaale dhanka internet ka, isaga oo shiqsi kastaa soo gudbiyo xog ay daawadaan bulshada kale ee soomaaliyeed ee internetka isticmaalaysaa ama wax ka baadha dhanka youtube ka.Marka aad dooneyso inaad kusoo biirto bahda youtubers ka waa fursad u baahan oo keliyah internet, computer ama smart phone mobile , camera, microphone iyo mawduucda aad dooneyso inaad xog ugasoo gudbiso bulshada aad dooneyso inay daawato kanaalkaaga si ay markasta ugu xidhnaadaan kanaalkaaga, marka aad buuxiso shuruudihii company ga youtube na waxaa ka samayn kartaa dhaqaale kugu filan laakiin waa hadaad dadaal samayso juhdi badana aad ku bixiso sidii aad usoo gudbin lahayd muuqaalo tayeysan oo daawadayaaashaada raali geliyah markasta.

Waxyaalaha muhiimka ah inaad ka qurxiso kanaalkaaga youtube:

  • Inaad Magac aan dheerayn u bixiso kanaalkaaga si qofka maalin soo booqda kanaalkaagu u ilaawin magaca kanaalkaaga.
  • Inaad LOGO ama ASTAAN u samayso kanaalkaaga si uu kanaalkaaga u noqdo mid qurxoon
  • Waa inaad BACKGROUND u samaysaa kanaalkaaga kuna xustaa ama ku qortaa mawaadiicda aad rabto inaad kanaalkaaga kaga hadasho si SEO ga youtube kuna u aqoon sado kanaalkaaga iyo mawduuca aad ka hadasho oo hadhaw u fududaato sida kanaalkaaga usoo heli karaan dadka wax ka baadhaya youtube kaaga
  • Inaad u samayso DESCRIPTION kooban kanaalkaaga adoo ku sheegaya mawduucyada aad kanaalkaagan kusoo gudbin doontid iyo waxyaalaha laga daawanayo kanaalkaaga.
  • halkan ka daawo sida youtube professional ah loo samaysto YOUTUBE

Blogging:

lacag ka samee bloging ka
lacag ka samee bloging ka

Blogging ku waa xirfada labaad ee dhalinyar badan oo soomaaliyeed ka sameeyaan dhaqaale tiro badan bilsh kasta iyaga oo xogo kusoo gudbinaya website kooda, ama blogger kooda. Xirfadaas na inaad samayso waxaa kaa xiga oo keliyah inaad samaysato website, iyo inaad hesho internet iyo computer ama mobile smart phone ah.

Hadaba hadaad dooneyso inaad xirfadan dhaqaale ka abuurto waa inaad shuruudahan buuxisaa:

  • Waa inaad samaysataa website qurux badan
  • Waa inaad soo gelisaa ugu yaraa 18 maqaal luqaday doonaanba haku qornaadaane laakiin waa in aanay ahayn kuwo copy ah oo waa inay yihiin kuwo aad adigu leedahay ama qortay, hadaadse chatgpt ga ku qortayna waxaa checking kusoo marinaysaa oo kuu sheegaya in qoraalkaagu copy leeyahay websites la yidhaahdo “ Paragarism checker “ kaas oo markaa qoraalkaaga geliso kuu sheegaya meelaha qoraalkaaga copy kaga jiro iyo inaad meelaa saxdo.
  • Waa in website kaagu jiraa ama hawada ku jirey muddo aan ka yaray 90 maalmood ama 3 bilood
  • Waa inaanay da,daadu ka yarayn 18 sano si ay kuusoo aqbasho shirada xayeysiimaha bixisa ee “GOOGLE ADSENSE “

Markaad buuxiso shuruudahaa aan kor ku xusney ayaa dal banaysaa shirkada xayeysiiyada kusoo deynaysa website kaaga ee “google adsense” oo ah shirada ugu balaadhan ee xayeysiimaha u furta website kaaga, sidoo kalena markasta waxaa lagama maarmaan ah in website kaaga yeesho traffic ama soo booqdayaal badan kuwaasi oo ah dadka loo baahan yahay inay click siiyaan xayeysiimahaa website kaaga saran si dhaqaale laguugu siiyo.

hadaad rabto inaad samaysato blogging halkan ku dhufo Blogging

Affiliate Marketing:

waa maxay affiliate marketing
waa maxay affiliate marketing

Affiliate marketing Iyana waa xirfada 3aad ee aad dhaqaale kaga abuuri karto internet ka adoo gurigaaga jooga, affiliate marketing shirkado badan ayaa waxay bixiyaan wax la dhaho “affiliate link “ marka aad iska diwaan geliso company gaana waxaa uu ku siinayaa link, kadibna waxaa uu ku leeyahay hadaad link gaa xayeysiiso ama share garayso oo bulsho nagasoo raacdo link gaaga waxaad leedahay lacag 30% oo ah lacagta aan ka faaiidney bulshada adigu noo keentay, hadaba company yada ugu waaweyn ee bixiya affiliate link gaas waxaa kamida :

  • Alibaba
  • Amazing
  • Impact radius
  • AliExpress
  • Click Bank
  • Iyo qaar kale oo badan

Dhamaan websites yadaasina markaa dad u keento waxay ku siinayaan khidmad maadama aad macaamiil u keentay alaabahooda iibsada ama adeegyadooda raba, sidaasna lacag ayaad ku heshay adoo internet ka company yo dalal kale ka jira la shaqaysanaya oo xayeysiinaya alaabahooda ama adeegyadooda.

Drop shipping:

waa maxay Dropshipping
waa maxay Dropshipping

Drop-shipping Iyana waa mid kamida qabaabkadhanka internet ka dhaqaale lagaga abuuri karo adoo isticmaalaya computerkaaga iyo internet. Hadaba markaad rabto inaad abuurto “Drop shipping “ waa inaad ugu horeyn leedahay website nooca E-commerce ama alaabaha lagu gadan karo ama Shopify  oo ah website diyaarsan oo aad bedbedalanayso sida loogada , magaca iwm.

Hadaba markaa rabto inaad bilowdo Drop shipping

  • waa  inaad samaysato website nooca loo yaqaano      E-commerce  kaas oo kuu saamayaxa in alaabaha laga dhex gadan karo
  • waa inaad account ka samaysato websiteka aad rabto inaad alaabihiisa ku gado website kaaga
  • waa in alaabaha laguu ogolaaday inaad website kaaga ku xayeysiiso ama ku iib geyso kadibna shay oo aad soo geliso website kaaga oo website kaa kale ku yaalay qiimaha ah $4 adigu waxaad website kaaga ku siin kartaa $14 ama $13 sidaasna waxaad ka helaysaa faaiido weyn oo macaasha.

Waxyaalaha lagu doorto Drop shipping ka waxa weeye inaanad alaabtaa marka qofka loo dirayo adigu aanad wax shaqo ah ku lahayn oo u diyarayo company ga alaabaha isagu  gaar ka u lahaa adigu waxaa markiiba kuusoo dhacaysa macaashkaagii yaraa oo ku geli doonta account kaa company gaa ka dhex furatay.

waa maxay Freelancing?

Soo koobid:

4 taa hab ba maanta waa fursada ugu fiican uguna fudud ee internet ka dhaqaale lagaga abuuri karo adoo gurigaaga ama goobtaada shaqo jooga, laakiin xirfadanina waa kuwo marka hore qarash la geliyo u baahan haba yaraatee balse waxaa kamida qaar aan u baahnayn in wax qarasha aad ku bilodo sida youtube ka , iyo Affiliate marketing ka .

Halka Drop shipping iyo Blogging kuna u baahan yihiin in marka hore qarash la huro oo dhaqaale la geliyo maadama website la dhisayo website kuna dhaqaale lagu kiciyo u baahan yahay waxaa lama huraana in marka hore la maal geliyo website si aad alaabahaa ugu gado website kaaga ama maqaalo ugusoo gudbiso website kaaga sidaasna dhaqaale kagasoo celisid ganacsigaaga.

Share This Article