Search
Close this search box.

3 Hab oo Website kaaga dhaqaale kaga samayn kartid 2024

Hordhac:

waxaa jira qaabab badan oo hadii aad website leedahay ugaga samayn karto dhaqaale hadii xitaa aad joobto  dal kaaga hooyo ee Somalia waad ka samayn kartaa.

Hadaba waxaan maqaalkan kuugusoo gudbinayaa sadex hab oo aad dhaqaale kaga samayn karto website kaaga adoo gurigaaga ama goobtaada shaqo jooga. Waxayna qaababkaasi kala yihiin ( Google AdSense , affiliate marketing, iyo Advertisement ads )  mid kastana qaabkan aan hoos kugu sharixi doono ayaa lagaga sameeyaa dhaqaalaha fadlan dhamaystiro maqaalkan akhriskiisa.

Dhaqaale ka samee Google AdSense:

Sida dhaqaale online looga sameeyo

waa maxay google adsense ?

Google adsense waxay kamid tahay hababka website kaaga dhaqaale kaga samayn karto adoo gurigaaga ama goobtaada shaqo jooga xitaa haddii aad Somalia joogtid,

Hadaba qaabka aad dhaqaale kaga soo saari karto website kaaga adoo raacaaya website kaaga nidaamka loo yaqaano “ google adsense” waxaa ka horeysa inaad shuruudahan hoos ku xusan buuxisid.

  1. Ugu horeyn waa inaad leedahay website aad loo design gareeyey oo ah WordPress ama Blogger.
  2. waa in website kaagu uu hawada ku jirey ama live ahaa 90 cisho ama muddo 3 bilood ah .
  3. waa in website kaaga ay ku jiraan ugu yaraan 18 maqaal ( articles ) oo aan wax copyright ahi ku jirin oo ah maqaalo aad adigu leedahay oo aad qortay.
  4. in website kaagu leeyahay traffic ama soo booqdayaal badan kuwaas oo kuu suura gelinaya inaad lacag ka samayso booqashadooda ay soo booqanayaan website kaaga .
  5. waa inay da,daadu ka weyn tahay da,da 18 jir ka sababtoo ah company ga adsense ma aqbalo qofka age kiisu ka yar yahay 18 haddii markaad codsato documents kaaga laga helo in da,daadu ka yar tahay 18 jir way kusoo diidi karaan (rejected).

Marka aad dhamaanba shuruudahaa wada buuxisid ayaa waxaad furan doontaa account ka google adsense website kaagana u codsan kartaa in xayeysiis lagusoo daayo si aad dhaqaale uga samayso. Waxaad markasta niyada ku haysaa in website kaaga aad dhaqaale badan ka samayn karto haddii aad ku dadaashid in aad soo booqdayaal ( Traffic ) badan samaysato oo akhrista maqaaladadaa .

Dhaqaale ka samee Affiliate marketing:

waa maxay affiliate marketing?

waa maxay affiliate marketing?

Hab ka labaad ee aad website kaaga dhaqaale kaga samayn karto waxaa kamida habka loo yaqaano affiliate marketingka kaas oo ah habka maanta dhaqaalaha ugu badan ka sameeyaan mulkiilayaasha leh website yada bulsho badan wax ka akhristaan ama si maalinle ah usoo booqdaan.

Hadaba habkan markaad rabto inaad dhaqaale ka samayso waa inaad iska diwaan geliso website yada khidmad kusiiya qofka kasta oo iibgeeya alaabahooda ama adeegyadooda gaar ahaana kuwa dalkaad joogto laga ogolyahay. Hadaba website yada aad alaabahooda ku iibin karto website kaaga waxaa kamida.

  • Ali Express
  • Amazon
  • Alibaba
  • Impact radius
  • Click bank iyo qaar kale oo badan.

Dhamaan website yadaa alaabahooda ama adeegyadooda waad iibin kartaa hadaad account affiliate marketing ah ka samaysato adoo dalkaaga hooyo jooga , habka aad ku iibin karto alaabahaasna waxa weeye inaad maqaal alaabta faaiidadeeda iyo waxyaalaha ay qabanayso ka waramaya diyaariso kadibna dhex gelisid linka alaabta ama affiliate link ga lagu siiyey, kadibna qofkii maqaalkaa alaabtu faaiidada ay u leedahay markuu fahmo uu linkigaaga ka iibsado websitekii alaabta lahaana hore uga dhiibo qofkaa soo dalbaday alaabtaas adigana laguusoo diro khidmadaadii aad ka heshay qofkaa ka iibsaday linkigaagii iyo suuqgeyntii aad samaysay.

Dhaqaale ka samee Advertisement ads:

waa maxay Advertisement ads?

waa maxay Advertisement ads?

Hab ka sadexaad ee aad website kaaga dhaqaale kaga samayn kartaa waaa inaad u tagto company yada waa weyn ee ka jira dalkaaga kadibna xog Ka siiso website kaaga, shaqada aad qabato iyo traffic ka website kaaga ku xidhan ama soo booqdayaash kugu xidhan,

kadibna aad tidhaahdo design yar oo company gaaga ka hadlaya aan kuu sameeyo oo website kayga kuugu soo bandhigo linkiga page kaaga ama website kaagana aan kugu xidho si dad badan alaabahaaga u iibsadaan ama loo barto company gaaga bishiina khidmadyar iska bixi, taasina waa qaabka 3aad ee website kaaga dhaqaale kaga samayn karto adoo gurigaaga ama goobtaada shaqo jooga.

Soo koobid:

Waxaad maqaalkan ku ogaatay ugu yaraan sadex hab oo aad website kaaga dhaqaale kaga samayn karto adoo gurigaaga ama goobtaada shaqo jooga.

Hadaba inaad bilowdo shaqadan waxaa kaa xiga inaad haysato sadex shay :

  1. Internet xawaare leh
  2. Computer ama mobile smart phone ah iyo
  3. Juhdi iyo wakhti aad geliso si aad guulo badan u gaadho, ugu horeyna ku daadaal inaad barato laba shay 1. Sida website loo dhiso iyo 2. Inaad website kaaga traffic u samayso.

Hadaba sadexdan hab kii kuu fududaada ku dadaal inaad dhaqaale ka samayso hadaanad sadexdaba awoodin inaad wakhti gelisid oo aad ku dadaashid.

Waxaanad markasta ogaataa inay laf dhabar u tahay shaqadanba inaad soo booqdayaal u hesho website kaaga maadama waxa dhaqaalahan aad ka samaynaysaaba  ay yihiin bulshada ku xidham maqaaladaada iyo website kaaga.  

Waxaan rajaynayaa inaad xog buuxda ka ogaatay nidaamyada website kaaga dhaqaale uga samayn kartid waxaad kale oo ku dadaashaa inaad xog badan ka sii baadhid sadexdan hab iyo qaabka loogu furo website kaaga iyo weliba qaabka website loo dhisto , maxaa yeelan maqaalkaygani xog guud ayuun baad ka qaadanaysaa oo kumasoo koobi karo sadexdan hab ba maqaalkan.

Mahadsanid akhriste

Share This Article