Search
Close this search box.

Sida loo sameeyo payoneer account 2024

Hordhac:

waa maxay payoneer?

Haddii aad tahay dadka internet ka lacagaha ka sameeya sida TikTOK ta , You tube ka , Websites ka , facebook ga, Instagram ka iyo baraha bushada kale ee jira, waa muhiim inaad yeelato Bank international ah oo adigu gaar u leedahay cidna aanad u daba fadhiisan. meelkasta oo aad joogtana  aad lacagtaada kala bixi karto kuna dirsan karto caalamkana wax kaga iibsan karto.

Hadaba akhristo waxaan maanta halkan kugula wadaagayaa bank caalamka ka jira oo aad lacagtaada aad ka tabcatay internet ka kula bixi karto adoo Somalia jooga ama dalkaaga hooyo.

Waa maxay Payoneer:

lacagta online ka iyo payoneer account
lacag online ka iyo payoneer account

Payoneer waa bank caalami ah oo dunida oo dhan meel kasta oo aad tagto kula bixi kartid kuna dirsan kartid lacagahaaga aad ka shaqaysatay dhanka internet ka.

Waxyaalaha uu bankigani kaga wacan yahay bankigayada kale ee caalam ka jira waxaad dal banka karta credit card kiisa  adoo dalkaaga hooyo jooga waxaanu kaa maqnaan karaa markaa dalbato ATM card ka mudo gaadhaysa 1 bil oo keliyah haddii se aad u dooneyso si dhakhso ah waxaad la baxaysaa lacagta soo qaadista oo ah $45 dollar waxaana laguugu keeni doonaa muddo 10 cisho ah ugu badnaana 14 cisho oo keliyah.

Waxyaalaha lagaaga baahan yahay intaadan Iska diwaan gelin Payoneer:

waxyaalaha payoneer

inta aanad bilaabin is diwaan gelinta bankiga payoneer waxaa muhiim ah inaad haysato documents kan lagaaga baahan yahay ee hoos ku qoran.

  1. Passport ama ID Card
  2. Bank Statement ama Bank Document iyo
  3. Address

Markaa documents kaa diyaarsato waxaad diyaar u tahay inaad bilowdo inaad iska diwaan geliso website ka Payoneer kadibna ka furato account international ah .

Qodobkani waa muhiim:

lacagta online ka iyo payoneer bank:

Inaad PAYONEER xogtaada sida passport kaagu ama ID card kaagu ugu qoran tahay aad ugu buuxiso account kaaga markaa furanayso waa shayga koowaad ee lagugusoo aqbali karayo sababtoo ah marka is diwaan geliso waxaa maraysaan wax la dhaho Review oo layska waafajinayo documents kaaga iyo xogta passport kaaga ama ID card kaaga ku qoran markaas mudo sadex casho ah ayay kugusoo approved garayn doonaan ama kugusoo Rejected garayn doonaan insha allah.

Payoneer  waxay sanadkii fee ahaan kaaga goosan doontaa lacag gaadhaysaa $29.95 ( per year ) annual account fee.

Waxaa kale oo payoneer kugu xidhaysaa inaad hesho lacag gaadhaysa $100 dollar 6 bilood ee u dambeeyey si aad u codsato inaad card keeda haddii aanad lacagtaa haysana ma codsan kartid card ka Payoneer bank.

Soo koobida nuxurka maqaalka:

Maqaalkan waxaa xog badan kaasiinayaa inaad heli karto bank international ah adoo jooga dalkaaga hooyo kaas oo aad kula bixi karto dhamaanba lacagaha aad internet ka ka shaqaysatay nooc kastay yihiin. Waxaa kale oo aad kaga maarmaysaa family gaagii aad accounts kooda kula bixi jirtey ee aad dhibta badan ka mari jirtey in aad lacagtaada xiligaa doontaba hesho.

Sido kale waxaay payoneer kuula diyaar tahay  sidaad caalamka ula shaqaysan lahayd maadaama meelkas ta oo aad dunida ka joogto kaga adeegan karto payoneer card kaaga ATM kastana aad kala bixi kartid lacagahaaga cidaa doontana uga diri kartid adoo meelkastaba jooga .

waxaan akhriste kuu rajaynayaa inaad xog badan ka faaiidey maqaalkaygan gaaban, wixii suaala ee kugu taagana noogu reeb comments ga sida ugu dhakhsaha badan ayaan kaagasoo jawaabi doonaa insha allah.

waxaa kale oo aan kugula talinayaa akhriste in aad xog badan oo dhanka youtube ka ah kasii baadho sida laysaga diwaan geliyo payoneer iyo sida loo gudbiyo dhamaanba documents ka lagaaga baahan yahay ee payoneer kaga baahan tahay

waxaa kale iyana muhiima inaad ku dadaasho sidii aad lacag badan uga samayn lahayd dhanka online ka si account kaaga payoneer uu usii jiro oo usii waaro. fadlan wixii suaala commnents ka hoose noogu reeb sida ugu dhakhsaha badan ayaa kugusoo jawaabaynaa insha allah.

Share This Article